Stearns County, Minnesota
  • Home
  • Community
  • Contact Us
  • En Español  |  
  • Soomali  |  
  • Sitemap  |  
  • Login
Welcome, Register
Search
  • Online Services
  • Government
  • Property & Roads
  • Law & Public Safety
  • Adults & Families
  • Recreation
  • Environment

Soomali

  • Dayacaad Waxbarasho
  • Goo Goysnimo
  • Bogagga Rabshada Qoyska
  • Garo Xuquuqdaada Marka Aad Tahay Dhibane
  • Adeegyada Dhibanaha Markhaatiga
  • Barnaamijka Weecinta Dadka Da’da Yar
  • Barnaamijka Weecinta Dadka Waaweyn
  • Hawl-galka Maxkamad Dhallin
  • Maxkamad-saarid Dambi
  • Soo-sheegista Dambi
  • Markhaati-furidda
  • Su aalaha Inta Badan
  • Ku Saabsan Jeelka
  • La Xidhiidh Jeelka Stearns County
  • Su aalaha Inta Badan la Iska Weydiiyo Jeelka
  • Aafooyinka Dabiiciga ah
 
Home  »  Soomali  »  Barnaamijka Weecinta Dadka Waaweyn EmailPrint page

Barnaamijka Weecinta Dadka Waaweyn

(Adult Diversion Program)

Barnaamijkan waxa soo saaray Xeer-ilaaliyaha Degmada Stearns (Stearns County Attorney) si loo adeeco xeerka Minnesota Statute § 401.065 ee raba in Xeer-ilaaliyaha Degmo ee degmo kasta ee ka qaybgalaysa Xeerka Asluubta Beesha (Community Corrections Act) uu soo saaro barnaamij weecin oo ka horeeya maxkamad-saaridda (pre-trial diversion program) si:

  • Loo bixiyo barnaamij wax-ka-qabasho oo gaar ah oo la siinayo ka-qaybgaleyaasha tilmaaman si looga hortago, loo baabi’iyo, ama loo yareeyo tirada dambi-ku-noqoshada ka-qaybgaleyaasha barnaamijka.
  • Loo siiyo dambi-faleyaasha uu u banaan yahay wax beddel u ah hab maxkamadeedka caadiga ah iyo xukun dambi.
  • Loo hormariyo ururinta magdhow ay helaan dhibaneyaasha dambiga uu ka galay dambiiluhu.
  • Loo soo saaro beddelaad xilkas ah oo dambiileyaasha u qalma loogu beddelayo hab cadaaladeedka dambiyada.
  • Loo yareeyo kharashka iyo culayska kiisaska saaran maxkamadaha degmada iyo hab cadaaladeedka dambiyada.

Weecinta waxa loogu talogalay in lagu isticmaalo awoodda ka-dhaadhicinta ee adeegsanaysa abaalmarinta ka-baxsashada xukun dambi si loo fududeeyo dhaqancelin, beddelid fikir, dhaqan xilkasnimo leh, bixinta magdhow la siiyo dhibaneyaasha, iyo daweyn, kiisaska qaarkood.

Barnaamijka Weecinta Dadka Waaweyn waxa uu u banaan yahay kaliya dambiileyaasha galay dambigoodii koobaad.

Iyada oo uu talada iska leeyahay Takhasuslaha Barnaamijyada Weecinta (Diversion Programs Specialist), waxa laga yaabaa in ka-qaybgaleyaasha laga rabo inay dhameystiraan barnaamij guud ama mid dambiga u gaar ah, oo uu ku jiro (balse aan ku koobnayn) waxyaabahan: 

  • Hanuuninta Dambiileyaasha ee Barnaamijka Dhiirigalinta Fikirka Xilkasnimada Leh (Program for the Encouragement of Responsible Thinking, PERT)
  • Saamaxaad-weydiisasho (warqad saamaxaad-weydiisasho ah ama adiga oo dhibanaha weydiista inuu kaa saamaxo dhaqanka waxyeelada leh ee sharci-darada ah ee aad kula kacday)
  • Adeeg beeleed
  • Maqaal Qoraal ah
  • Magdhow
  • Daweyn iyo La-talin

Dambiyada uu barnaamijku u banaan yahay

Dambiyada Fudud iyo Dambiyada Fudud ee Anshax-xumada ah (Misdemeanor and Gross Misdemeanor Offenses)

Kiisaska la weeciyay waa inay maraan isla heerarka marag-kac iyo dambi-oogis ee ay maraan kuwa dacwad looga xereeyay maxkamadda.

Dambiyadan soo socda ayaa ku jira:

  • Waxyeelo Dambi-fal ah oo Loo Geysto Maal, M.S. § 609.595
  • Xatooyada iyo Dambiyada Xatooyo la Xidhiidha, M.S. § 609.52 (marka laga reebo xatooyo uu shaqaale kula kacay shaqo-bixiyihiisa ama qof haya jago aaminaad ama mas’uuliyad oo la mid ah)
  • Haysashada/Qaadashada Maal la Xaday, M.S. § 609.53
  • Jeegag Aan Qiimo Lahayn, M.S. § 609.535
  • Qaribaaadda Baabuur, M.S. § 609.546

Dambiyada Culus (Felony Offenses)

Kiisaska la weeciyay waa inay maraan isla heerarka marag-kac iyo dambi-oogis ee ay maraan kuwa dacwad looga xereeyay maxkamadda.

Dambiyada Culus waxa uu barnaamijka weecintu u banaan yahay kaliya:

  • marka la eego sida xeerarka gobolku oggol yihiin
  • marka y ku jiraan gudaha noocyada dambi ee ku taxan 2A. (Dambiyada Fudud iyo Dambiyada Fudud ee Anshax-xumada ah), iyo
  • marka la eego talada, ah qoraal, ee Sarkaalka Koobaad ee Fulinta Sharciga (Chief Law Enforcement Officer, CLEO) ee aag maxkamadeed uu ugu gudbinayo arrinta Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Degmada (County Attorney's Office). Talooyinka qoran waxa ku jiri doona sharaxaad iyo/ama sababeyn sal u ah galinta barnaamijka weecinta.

Go’aaminta kama-dambeysta ah ee ku saabsan in dambiilaha uu u banaan yahay barnaamijka weecintu iyo in kale waxa kaligii iska leh Xeer-ilaaliyaha Degmada waxana laga yaabaa inay ku saleysan tahay qodobo dheeraad ah oo aan ku jirin tilmaan-bixintan.

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Degmada (County Attorney's Office)
  •  
  •  
  •  
  •  
  •  
  •  
  •  
  •  
  •  
  •  
  •  
  •  
  •  
  •  
  •  
  • Home | 
  • Contact Us | 
  • Community | 
  • En Español | 
  • Soomali | 
  • Sitemap

  • Online Services | 
  • Government | 
  • Property & Roads | 
  • Law & Public Safety | 
  • Adults & Families | 
  • Recreation | 
  • Environment

  • Web Policies | 
  • Salary Compliance | 
  • Mission Statement

Copyright 2013 Stearns County