Stearns County, Minnesota
  • Home
  • Community
  • Contact Us
  • En Español  |  
  • Soomali  |  
  • Sitemap  |  
  • Login
Welcome, Register
Search    
  • Online Services
  • Government
  • Property & Roads
  • Law & Public Safety
  • Adults & Families
  • Recreation
  • Environment

Soomali

  • Dayacaad Waxbarasho
  • Goo Goysnimo
  • Bogagga Rabshada Qoyska
  • Garo Xuquuqdaada Marka Aad Tahay Dhibane
  • Adeegyada Dhibanaha Markhaatiga
  • Barnaamijka Weecinta Dadka Da’da Yar
  • Barnaamijka Weecinta Dadka Waaweyn
  • Hawl-galka Maxkamad Dhallin
  • Maxkamad-saarid Dambi
  • Soo-sheegista Dambi
  • Markhaati-furidda
  • Su aalaha Inta Badan
  • Ku Saabsan Jeelka
  • La Xidhiidh Jeelka Stearns County
  • Su aalaha Inta Badan la Iska Weydiiyo Jeelka
  • Aafooyinka Dabiiciga ah
 
Home  »  Soomali  »  Markhaati-furidda EmailPrint page

Markhaati-furidda

Markhaati Ka Bixinta Maxkamadda: Tilmaamo ku Gargaari Doono Marka aad Markhaati Tahay

Marka aad tahay markhaati, waxa laga yaabaa in aad aqoon u lahayn hababka dhageysi dambi ama maxkamad-saarid. Dukumentigan waxa loo qorsheeyay in uu ku siiyo tilmaamo ku saabsan sidii aad isugu diyaarin lahayd inaad marag ka furtid maxkamadda. Shaqaalaha jooga Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Degmada ayaa diyaar u ah inay ka jawaabaan wixii su’aalo ee aad qabtid.

Xuquuqdaada Markhaati Ahaan

Markhaatiyadu waxay door muhiim ah ka qaataan raadinta cadaalad. Marka aad tahay markhaati waxa aad leedahay xuquuq sharci.

  • Shaqo-bixiye kuma ciqaabi karo ama kuma eryi karo sababta oo ah waxa lagaaga yeedhay maxkamadda si aad marag u furtid,
  • Aag sugitaan oo gooni ah oo ka baxsan aagga markhaatiyada difaaca ayaa laguu hayaa,
  • Lagaama rabi doono in aad sheegtid cinwaanka gurigaaga ama shaqadaada iyada oo maxkamaddu sidaa kugu amarto mooyaane.

Waxa kale oo sharci-daro ah in qof isticmaalo xoog, hanjabaad, ama cadaadis si qof kale uu uga horjoogsado ama uga reebo inuu markhaati ka noqdo dhageysi sharci ah ama uu dambi u soo sheego hay’adda sharci fulinta.

Marka Aad Heshid Yeeshis Imaansho Maxkamadeed

Yeeshis Imaansho Maxkamadeed (subpoena) waa amar ka soo baxay maxkamad waxana weheliya ganaaxyo culus haddii ka aad baaqatid inaad timaado maxkamadda.

  • Haddii maxkamadda lagaaga yeerey, si taxadir leh u akhri warqadda. Amarka yeedhis maxkamadeed waxa uu markasta bixiyaa tilmaamo ku saabsan meesha iyo goorta la rabo inaad timaadid.

Waxa kale oo laga yaabaa in yeedhista maxkamadeed ay tahay “duces tecum” taasoo kaa codsanaysa in aad hore wax u soo qaadatid. Alaabta la rabo inaad soo qaadatid waxay ku taxnaan doonaan warqadda yeedhista maxkamadeed iyada oo ku hoos taala sanduuqa ay ku qoran tahay “duces tecum”.

  • Haddii lagaa codsado inaad timaadid Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Degmada, waxa aad naga heli doontaa Qolka 448 ee Administration Center, 705 Courthouse Square, St. Cloud ama soo wac 320.656.3880.
  • Haddii aad qabtid wax ah su’aalo, aad beddeshid magacaaga ama adreeskaaga inta lagu jiro kiis, ama haddii ay xaalado aan caadi ahayn yimaadaan, fadlan soo wac xafiiska Xeer-ilaaliyaha Degmada Stearns County oo leh lambarka 320.656.3880 ama 1.800.450.3880 ka dibna u sheeg isbeddelka.
  • Maxkamadda u soo qaado warqaddaada yeedhista maxkamadda. Waa inuu saxeexo wakiil ka socda Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Degmada loona soo celiyo Maamulka Maxkamadda (Court Administration).

Waxa laga yaabaa inuu kuu banaan yahay xoogaa ah magdhow kharash; fadlan akhri dhabarka warqadda yeedhista maxkamadda. Ururi risiidka kharashyada sida sii-haynta ilmaha, lumista mushahar, cunto ama inta mayl ee socdaalka. Magdhowga kharashka waxa laguu soo diri doonaa gudaha dhawr todobaad ka dib dhageysiga maxkamadeed.

Ka Hor Inta Aanad Iman Maxkamadda

  • Haddii aad hore hadal rasmi ah u siisay sarkaal fulin sharci ama baadhe oo aad haysatid koobi, fadlan si taxadir leh u akhri ka hor inta aanad iman maxkamadda.
  • Ha isku dayin inaad xafidid waxa aad odhan lahayd. Maskaxda ku celi arrimaha kaa gargaari doona xusuusashada dhacdada marka aad furaysid markhaatiga. Isku day inaad maskaxda ku sawirtid arrimaha aad markhaatiga ka bixin doontid, sida goobta dhacdada, alaabta iyo dadka joogay, wixii dhacay, wixii la yidhi, cidda lagu yidhi, wakhtiga la joogay, ama xaaladaha kale ee laga yaabo inay kaa gargaaraan xusuusashada dhacdooyinka.
  • Muuqaal wacan iyo dhar haboon oo aad la timaadid maxkamadda ayaa muhiim ah – xusuuso in guddida ay saameyn doonaan muuqaalada koobaad.

Tilaamaha Markhaati Furida

  • Si kalsooni leh u tag goobta loogu talogalay markhaatiga.
  • Waxa ku dhaarin doona karaaniga isaga oo kugu dhaarinaya inaad sheegtid runta.
  • Marka aad tahay markhaatiga dawladda, waxa marka hore su’aalo ku weydiin doona dacwad-oogaha (prosecutor).
  • Fikir ka hor inta aanad jawaabin. Hubso in aad fahamtahay su’aal kasta, ka dibna bixi jawaab sax ah. Haddii aanad fahmin su’aasha, sheeg in aadan fahmin ama weydiiso in laguugu soo celiyo.
  • U hadal si tartiib ah oo cad oo ay maqli karaan guddida, xaakinka, qoreyaasha maxkamadda iyo qareenada.
  • Sheeg kaliya xaqiiqooyinka. Ha sheegin gunaanad aad adigu gaadhay ama ra’yi ama malo iyada oo si gaar ah uu kaaga codsado qareen inaad sidaa sameysid mooyaane. Haddii aad rabtid inaad saxdid jawaabtaada, isla markiiba sidaa yeel.
  • Haddii aad xusuusan weydid xaqiiqooyinka qaarkood, ha ka biqin inaad sheegtid inaanad xusuusan karin.
  • Haddii aad rabtid inaad sameysid qiyaas ku saabsan waxyaabaha ay ka mid yihiin fogaanta, cabiro, ama taariikho, si cad ugu sheeg guddida in aad sameynaysid qiyaas.
  • Su’aalaha uga jawaab si fudud oo toos ah. Haddii lagu weydiiyo inaad “haa” ama “maya” ku jawaabtid oo aad dareensan tahay in jawaabtu u baahan tahay sharaxaad, u sheeg qareenka in aad jeceshahay inaad bixisid sharaxaad ama in aan jawaabta looga jawaabi karin “haa” ama “maya”.
  • Haddii qareen uu diido su’aal, ha ka jawaabin ilaa xaakinku kugu yiraahdo inaad ka jawaabtid ama lagaa weydiiyo su’aal cusub.

Dib-u-su’aalidda Qareenka Difaaca

  • Wakhti isa-sii aad kaga fikirtid jawaabtaada ka hor inta aanad hadlin. Haddii aanad fahmin su’aasha, sheeg inaanad fahmin.
  • Haddii lagu weydiiyo in lacag lagugu siiyay inaad timaadid maxkamadda oo aad heli doontid xoogaa magdhow oo ah kharashka safarka ama lacagaha kale ee markhaatiga, u sheeg qareenka difaaca lacagtaa magdhowga ah.
  • Ha ka baqin inaad sheegtid inaad xaqiiqooyinka dambiga kala hadashay dad kale. Ugu yaraan, waxa aad la hadashay sarkaal fulin sharci, ama qareen; haddii kale magacaaga Dawladdu ma ogaateen.
  • Xusuuso in aad is-dejisid oo aanad xanaaqin, xiitaa haddii qareenka difaacu uu kugula eg yahay mid edeb-daran ama uu kaa xanaajiyo. Waxa uu isku dayayaa ama ay isku dayaysaa in la tijaabiyo awoodda aad ku xusuusan kartid xaqiiqooyinka ku saabsan dambiga.
  • Waligaa marna ha la murmin qareenka difaaca. Waxa ay shaqada qareenka dambi-oogistu tahay inuu diido wixii ah su’aalo aan haboonayn oo uu ku weydiiyo qareenka difaacu.
  • Marka marag bixintaadu dhamaato ee lagu fasaxo, markhaatiyada kale ha kala sheekaysan maraggaaga.

Shaqaalaheena waxay ku hadlaan Ingiriisi. Marka aad la soo xidhiidhaysid xafiiskeena, waxa laga yaabaa inay faa’iido leedahay inuu kula joogo qof ku hadla Ingiriisiga. Haddii aad u baahan tahay turjumaan, mid baa lagu siin doonaa.

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Degmada (County Attorney's Office)
  •  
  •  
  •  
  •  
  •  
  •  
  •  
  •  
  •  
  •  
  •  
  •  
  •  
  •  
  • Home | 
  • Contact Us | 
  • Community | 
  • En Español | 
  • Soomali | 
  • Sitemap

  • Online Services | 
  • Government | 
  • Property & Roads | 
  • Law & Public Safety | 
  • Adults & Families | 
  • Recreation | 
  • Environment

  • Web Policies | 
  • Salary Compliance | 
  • Mission Statement

Copyright 2012 Stearns County