Stearns County, Minnesota
  • Home
  • Community
  • Contact Us
  • En Español  |  
  • Soomali  |  
  • Sitemap  |  
  • Login
Welcome, Register
Search    
  • Online Services
  • Government
  • Property & Roads
  • Law & Public Safety
  • Adults & Families
  • Recreation
  • Environment

Soomali

  • Dayacaad Waxbarasho
  • Goo Goysnimo
  • Bogagga Rabshada Qoyska
  • Garo Xuquuqdaada Marka Aad Tahay Dhibane
  • Adeegyada Dhibanaha Markhaatiga
  • Barnaamijka Weecinta Dadka Da’da Yar
  • Barnaamijka Weecinta Dadka Waaweyn
  • Hawl-galka Maxkamad Dhallin
  • Maxkamad-saarid Dambi
  • Soo-sheegista Dambi
  • Markhaati-furidda
  • Su aalaha Inta Badan
  • Ku Saabsan Jeelka
  • La Xidhiidh Jeelka Stearns County
  • Su aalaha Inta Badan la Iska Weydiiyo Jeelka
  • Aafooyinka Dabiiciga ah
 
Home  »  Soomali  »  Su aalaha Inta BadanEmailPrint page

Su'aalaha Inta Badan

Sidee baan u helaa qareen wakiil ii noqda?

Ayaan u wici karaa arrin ku saabsan mulkiile guri/kireyste?

Halke baan ka heli karaa foom sharci oo aan u isticmaalo kiiskayga maxkamadda?

Halkee baan jawaab uga heli karaa su’aalaha ku saabsan: dacwad-ku-oogista falalka ah dambiyo fudud, jebinta xeerarka magaalada, ama arrimaha ku saabsan dawladda hoose?

Waa maxay macnaha ereygan?

Sidee bay u soo kala horeeyaan dhacdooyinka la xidhiidha maxkamad-saarid guddi leh?


Sidee baan ku heli karaa qareen wakiil ii noqda?

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Degmadu ma bixin karo talooyin ku saabsan qareenada gaarka ah.

Waxa aad ka raadin kartaa boggaga jaalaha ah (yellow pages), ama waxa aad wici kartaa Minnesota Attorney Referral Service (Adeegga U-gudbinta Qareen ee Minnesota) oo leh lambarka 1-800-292-4152, ama waxa aad tagi kartaa rugta internetka ee Minnesota State Bar Association (Ururka Qareenka Gobolka Minnesota) oo ah www.mnbar.org .

Haddii aad rabtid inaad codsatid adeegyada difaace dadweyne (public defender), waa inaad codsatid adiga oo umaraya Maamulaha Maxkamadda Degmada Stearns (Stearns County Court Administrator):

Telefoon: 320.656.3620
Faakis: 320.656.3626 (Aqalka Maxkamadda)
Faakis: 320.656.6335 (Goobta Maxkamadaha)
Internetka: www.courts.state.mn.us/districts/seventh/dist07.htm
Iimayl: stearns@courts.state.mn.us

Ayaan u wici karaa arrin ku saabsan mulkiile guri/kireyste?

Waa inaad la xidhiidhid Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo leh lambarka 1-800-657-3787 ama aad booqatid rugtooda internetka oo ah http://www.ag.state.mn.us/ .

Rugta internetku waxay bixisaa xidhiidhin kuu sii gudbinaysa adeegyo qiimo leh, waxana ay bixisaa war ku saabsan sida loo helo qoraalo sharaxaya xuquuqda mulkiileyaasha guri iyo kireysteyaasha. Qoraalo kale ayaa ka hadla arrimaha u gaarka ah xeryaha guryaha wareega.

Wixii ku saabsan guryaha kirada ah gudaha St. Cloud, waxa aad wici kartaa Qaybta Hoyga iyo Kormeerka (Housing and Inspection Division) oo leh lambarka 320-255-7214. www.ci.stcloud.mn.us/web/mainindex.htm

Halkee baan ka heli karaa foom sharci oo aan u isticmaalo kiiskayga maxkamadda?

Foomamka sharci ee loogu baahan yahay sidii arrin loo geysan lahaa maxkamadda waxa laga heli karaa www.courts.state.mn.us/ctforms . Raadi xulashada hoos u degeysa ee magaceedu yahay “Forms Selection.”

Halkee baan jawaab uga heli karaa su’aalaha ku saabsan: dacwad-ku-oogista falalka ah dambiyo fudud, jebinta xeerarka magaalada, ama arrimaha ku saabsan dawladda hoose?

Wixii su’aalo ah oo ku saabsan dacwad-ku-oogista dambiyada fudud, jebinta xeerarka magaalada ama arrimaha la xidhiidha dawladda hoose, kala xidhiidh qareenkaaga magaalada . Magaalooyinka qaarkood waxay rabaan in aad la soo xidhiidhid karaaniga magaalada ka hor inta aanad toos ula xidhiidhin qareenka.

Halkan hoose waxa ku yaala liiska qareenada magaalooyinka ee degmada Stearns County.

Liiska Qareenada Magaalada

ALBANY
Jason Thomas Bretto
P. O. Box 1433
St. Cloud, MN 56302
320.251.1055  
KIMBALL
John Provinzino
P. O. Box 1556
St. Cloud, MN 56302
252-7600 
ST. AUGUSTA
Janelle P. Kendall
Administration Center, Rm 448
705 Courthouse Square
St. Cloud, MN 56303
320.656.3880  
AVON
Janelle P. Kendall
Administration Center, Rm 448
705 Courthouse Square
St. Cloud, MN 56303
320.656.3880
LAKE HENRY
Janelle P. Kendall
Administration Center, Rm 448
705 Courthouse Square
St. Cloud, MN 56303
320.656.3880
ST. CLOUD
Matt Staehling
400 2nd St. S.
St. Cloud, MN 56301
320.255.7204 
BELGRADE
Janelle P. Kendall
Administration Center, Rm 448
705 Courthouse Square
St. Cloud, MN 56303
320.656.3880
ORD: William Spooner
MEIRE GROVE
Janelle P. Kendall
Administration Center, Rm 448
705 Courthouse Square
St. Cloud, MN 56303
656-3880
ORD: William Spooner
ST. JOSEPH
Jason Thomas Bretto
P. O. Box 1433
St. Cloud, MN 56302
320.251.1055 
BROOTEN
Janelle P. Kendall
Administration Center, Rm 448
705 Courthouse Square
St. Cloud, MN 56303
320.656.3880
MELROSE
Robert Pottratz
P. O. Box 172
Melrose, MN 56352
320.256.7848
ST. MARTIN
Janelle P. Kendall
Administration Center, Rm 448
705 Courthouse Square
St. Cloud, MN 56303
320.656.3880
ORD: Mark D. McKeon 
CLEARWATER
Joe Langel
300 US Trust Building
730 Second Avenue S.
Minneapolis, MN 55402
612.339.0060
NEW MUNICH
Janelle P. Kendall
Administration Center, Rm 448
705 Courthouse Square
St. Cloud, MN 56303
320.656.3880
ORD: Paul Rajkowski 
 ST. ROSA
Janelle P. Kendall
Administration Center, Rm 448
705 Courthouse Square
St. Cloud, MN 56303
320.656.3880
ORD: Robert Pottratz 
COLD SPRING
Michael C. Rajkowski
P. O. Box 1008
St. Cloud, MN 56302
320.251.1414
PAYNESVILLE
William Spooner
113 Washburne Ave.
Paynesville, MN 56362
320.243.3748 
ST. STEPHEN
Jason Thomas Bretto
P. O. Box 1433
St. Cloud, MN 56302
320.251.1055 
EDEN VALLEY
William Spooner
113 Washburne Ave.
Paynesville, MN 56362
320.243.3748
RICHMOND
Mike Rajkowski
P.O. Box 1008
St. Cloud, MN 56302
320.251.1414 
SARTELL
Matt Staehling
400 2nd St. S.
St. Cloud, MN 56301
320.255.7204 
ELROSA
Janelle P. Kendall
Administration Center, Rm 448
705 Courthouse Square
St. Cloud, MN 56303
320.656.3880
ORD: Robert Pottratz
ROCKVILLE
Janelle P. Kendall
Administration Center, Rm 448
705 Courthouse Square
St. Cloud, MN 56303
320.656.3880 
SAUK CENTRE
Janelle P. Kendall
Administration Center, Rm 448
705 Courthouse Square
St. Cloud, MN 56303
320.656.3880 
FREEPORT
Janelle P. Kendall
Administration Center, Rm 448
705 Courthouse Square
St. Cloud, MN 56303
320.656.3880
ORD: Robert Pottratz
ROSCOE
Janelle P. Kendall
Administration Center, Rm 448
705 Courthouse Square
St. Cloud, MN 56303
320.656.3880 
SPRING HILL
Janelle P. Kendall
Administration Center, Rm 448
705 Courthouse Square
St. Cloud, MN 56303
320.656.3880 
GREENWALD
Janelle P. Kendall
Administration Center, Rm 448
705 Courthouse Square
St. Cloud, MN 56303
320.656.3880
ST. ANTHONY
Janelle P. Kendall
Administration Center, Rm 448
705 Courthouse Square
St. Cloud, MN 56303
320.656.3880 
WAITE PARK
Jason Thomas Bretto
P. O. Box 1433
St. Cloud, MN 56302
320.251.1055 
HOLDINGFORD
Janelle P. Kendall
Administration Center, Rm 448
705 Courthouse Square
St. Cloud, MN 56303
320.656.3880
ORD: John Koch

Waa maxay macnaha ereygan?

Halkan waxa ku yaala qeexidda ama sharaxaadda qaar ka mid ah ereyada sharci ee ugu isticmaalka badan.

Ku-waayid Dambi (Acquittal)

Waa xukun sharci oo ku saleysan go’aanka guddi ama xaakin oo sheegaya in dambi-qabista eedeysanaha aan loo xaqiijin si caqli-gal ahaan shaki ka baxsan.

Dhageysiga Maxkamad-keenista (Arraignment Hearing)

Waa dhageysi bilaw ah oo la hor imanayo maxkamadda si eedeysanaha lagu soo eedeeyay dambi loogu sheego nooca eedeynta. Waxa kale oo la dejin doonaa damaanadda (bail) ama shuruudaha sii-daynta haddii eedeysanuhu uu woqtigaa ku jiro xabsi; waxa sidoo kale la dejin karaa shuruudaha sii-daynta haddii eedeysanuhu aanu ku jirin xabsi.

Damaanad (Bail)

Waa lacag ama maal maxkamadda loo ballanqaaday in lagu damiinanayo eedeysanaha marka laga sii daayo xabsi inta lagu jiro hawlaha dambiga. Waxa uu qofku ballanqaadayaa inuu yimaado maxkamadda marka sidaa lagu amro. Lacagta ama maalka loo dhigay damaanad ahaan waa lagaala wareegi karaa haddii eedeysanuhu ka baaqdo inuu yimaado maxkamadda ama uu jebiyo shuruudaha sii-daynta.

Caqli-gal Ahaan Shaki ku Jirin (Beyond a Reasonable Doubt)

Waa heerka xaqiijinta ee ay guddi u baahan tahay ama uu xaakin u baahan yahay si uu qofka dacweysan ugu xukumo dambi gudaha maxkamad ciqaab dad waaweyn ama maxkmad dambi-fal dhallin (juvenile delinquency court).

Eedeyn (Charge)

Waa dacweyn rasmi ah oo uu xereeyay xafiiska dacwad-ooguhu (prosecutor) oo sheegaya in qof la magaacabay uu galay dambi la magacaabay; waxa kale oo loo yaqaana “saarid eed” (pressing charges). Dhibanuhu ma saari karo eedeymo qof kale. Kaliya dacwad-oogaha oo wakiil ka ah Gobolka Minnesota ayaa xereyn kara ama oogi kara eedeymo.

Sii-wadid (Continuance)

Waa daahid ama dib-u-dhigid dhageysi maxkamadeed; waxa la yidhaahdaa kiiska waa la “sii waday” marka la la daahiyo ama dib loo dhigo.

Xukumid (Conviction)

Waa go’aan ay soo saartay maxkamad oo ku saleysan go’aanka guddi ama xaakin oo sheegaya in eedeysanuhu dambiile yahay.

Eedeysane (Defendant)

Waa qof si rasmi ah loogu eedeeyay inuu galay dambi ama fal dambi ah.

Joojin Eedeyn (Dismissal)

Waa go’aan uu gaarey dacwad-ooge ama xaakin oo ah in la joojiyay kiiska sababo sharci daraadood.

Go’aan-gaadhis (Disposition)

Waa go’aanka xaakin ee kama-dambeysta ah ee dhameynaya talaabo sharci iyada oo lagu soo gunaanadayo xukun ah ku-waayid dambi, joojin eedeyn ama xukumidda eedeysane lagu helay dambi.

Tirtirid (Expungement)

Waa amar maxkamadeed oo lagu qufalayo diiwaanada laguna mamnuucayo sheegista jiritaankooda marka laga reebo amar maxkamadeed ama maamul sharci.

Imaanshaha Koobaad (First Appearance)

Waxa eedeysanaha loo sheegayaa nooca eedeynta dambi, isla markaana loo sheegayaa xuquuqdiisa, waxa la dejiyaa damaanadda ama shuruudaha sii-daynta, waxana laga yaabaa in la magacaabo difaace dadweyne.

Dhageysi (Hearing)

Waa hawlgal sharci oo uu xaakin ku dhageysan karo doodaha, markhaatiyada, ama marag-kaca ka horeeya maxkamad-saaridda.

Dhageysi Isku-jir ah (Omnibus Hearing)

Qareenada ayaa keeni kara marag-kac ama arrimo kale oo ka horeeya maxkamad-saaridda si xaakinku go’aan uga gaaro.

Ku-sii-dayn Ballan Shakhsi (Personal Recognizance)

Waa ballan uu eedeysanuhu ku ballanqaadayo inuu ku soo noqdo maxkamadda marka lagu amro inuu yimaado maxkamadda. Ballantu waxay keenaysaa in eedeysanaha laga sii daayo in la xiro iyada oo aan la dhigin damaanad inta lagu jiro hawlgalada dambi-oogista.

Codsi Tirtirid (Petition for Expungement)

Waa codsi uu qof uu khuseeyo diiwaan dambi u gudbisto maxkamadda si loo qufulo diiwaan la xidhiidha qabasho, dacwad-oogis ama war, maxkamad-saarid, ku-waayid dambi ama joojin eedeyn. Diiwaanada lama burburin doono ama looma celin doono qofka uu khuseeyo diiwaanku.

Sheegid (Plea)

Waa jawaabta rasmiga ah ee uu eedeysanuhu kaga jawaabayo eedeyn ah inuu galay dambi. Sheegiddu waxay noqon kartaa ‘dambiile baan ahay’ ama ‘dambiile ma ihi’.

Heshiis Sheegid/Gorgortan Sheegid (Plea Agreement/Plea Negotiation)

Waa heshiis dhex mara Gobolka iyo eedeysanaha. Waxa uu eedeysanuhu oggalaanayaa inuu sheego inuu galey dambiga iyada oo lagu heshiinayo qodobo iyo shuruudo gaar ah. Heshiisyada sheegiddu waa hab lagu gaadho go’aan-gaadhis caqli-gal ah iyada oo aan loo baahan maxkamad-saarid. Waxa uu dhibanuhu xaq u leeyahay in loo sheego heshiiska sheegidda ah iyo inuu wixii ah diidmo ka sheegto xukumista ama dhageysiga go’aan-gaadhista. Waa in dhamaan heshiisyada sheegidda uu aqbalo xaakinku.

Baadhitaanka ka Horeeya Baadhitaanka (Pre-Sentence Investigation) (PSI)

Waxa qabta wakiil ka socda Maxkamadda, caadi ahaan ka dib sheegid ama xukumis. Baaritaanku waxa uu xaakinka siinayaa war ku saabsan eedeysanaha iyo saameynta uu dambigu ku yeeshay dhibanaha. Wakiilka qabanaha baaritaanka waa inuu dhibanaha kala xiriiro magdhow iyo saameynta soo gaadhay. Warbixinta baadhitaanka waxa ku jiri doona talooyin ku saabsan xukumista iyo, markii ay haboon tahay, kormeeridda akhlaaqda eedeysanaha inta lagu jiro mudada tijaabinta eedeysanaha (probation).

Dhageysiga ka Horeeya Maxkamad-saaridda (Pre-Trial Hearing)

Waxa kale oo loo yaqaanaa “Shirka Dejinta” (Settlement Conference). Waxa uu eedeysanuhu sheegi karaa inuu galey dambiga waxana ka dib loo gudbi doonaa xukumista ama waxa uu sheegi karaa inaanu qabin dambiga, markaana waxa la dejin doonaa taariikhda maxkamad-saaridda.

Dacwad-ooge (Prosecutor)

Waa qareen u shaqeeya dawladda si uu u ilaaliyo danaha dadweynaha iyo sharciga. Waxa uu dambi-ooguhu dacwad ku oogaa oo dacwad ku qaadaa dadka lagu soo eedeeyay inay jebiyeen sharciga. Dhibanuhu ma soo kireysto qareen si uu u sameeyo dambi-oogis.

Difaace Dadweyne (Public Defender)

Waa qareen ay soo kireysatay dawladdu si uu wakiil uga noqdo eedeysaneyaasha aan dhaqaale ahaan awoodin inay kireystaan qareen eedeysane oo gaar ah.

Magdhow (Restitution)

Waa bixin uu amray xaakinku oo lagu amraayo eedeysanaha inuu u celiyo dhibaneyaasha wixii ah khasaare dhaqaale ee ka soo gaadhay galista dambiga.

Yeedhis Maxkamadeed (Subpoena)

Waa amar maxkamadeed oo qofka ku amraya inuu hor yimaado maxkamadda oo uu bixiyo marag ama furo markhaati.

Maxkamad-saarid (Trial)

Dambi-oogaha ayaa soo bandhiga marag-kaca kaasoo uu dood ka keeno eedeysanuhu. Xaakin ama guddi maxkamadeed ayaa go’aamisa in marag-kacu si aan caqli-gal ahaan shaki ku jirin u xaqiijiyay in la galay dambi. Go’aanku waxa uu noqon doonaa eedeysanuhu waa uu qabaa dambiga ama ma qabo dambiga iyada oo ku saleysan go’aan dhamaan la isku raacay.

Dhibane (Victim)

Waa qof khasaare ama waxyeelo soo gaadhay iyada oo sababtu tahay dambi; haddii uu qofkaasi dhintay, dhibane macnihiisu waxa weeye ninka/xaaska soo hadhay ama xigta ugu sokeysa. Shirkad ama hay’ad dawladeed ayaa sidoo kale loo qeexi karaa dhibane iyada oo ulajeedadu tahay magdhow.

Bayaanka Saameynta Dhibanaha (Victim Impact Statement)

Waa bayaan ama hadal uu bixiyo dhibanuhu oo uu sharaxaya sida dambiga u saameeyay iyo wixii ah fal-celin ama jawaab-celin ee uu ka bixinayo xukunka ama go’aanka la soo jeediyay.

Sidee bay u soo kala horeeyaan dhacdooyinka la xidhiidha maxkamad-saarid guddi leh?

War dheeraad ah ka eeg bogga dhacdooyinka Maxkamad-saarid Guddi Leh.

Shaqaalaheena waxay ku hadlaan Ingiriisi. Marka aad la soo xidhiidhaysid xafiiskeena, waxa laga yaabaa inay faa’iido leedahay inuu kula joogo qof ku hadla Ingiriisiga. Haddii aad u baahan tahay turjumaan, mid baa lagu siin doonaa.

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Degmada (County Attorney's Office)
  •  
  •  
  •  
  •  
  •  
  •  
  •  
  •  
  •  
  •  
  •  
  •  
  •  
  •  
  • Home | 
  • Contact Us | 
  • Community | 
  • En Español | 
  • Soomali | 
  • Sitemap

  • Online Services | 
  • Government | 
  • Property & Roads | 
  • Law & Public Safety | 
  • Adults & Families | 
  • Recreation | 
  • Environment

  • Web Policies | 
  • Salary Compliance | 
  • Mission Statement

Copyright 2012 Stearns County