Stearns County, Minnesota
  • Home
  • Community
  • Contact Us
  • En Español  |  
  • Soomali  |  
  • Sitemap  |  
  • Login
Welcome, Register
Search    
  • Online Services
  • Government
  • Property & Roads
  • Law & Public Safety
  • Adults & Families
  • Recreation
  • Environment

Soomali

  • Dayacaad Waxbarasho
  • Goo Goysnimo
  • Bogagga Rabshada Qoyska
  • Garo Xuquuqdaada Marka Aad Tahay Dhibane
  • Adeegyada Dhibanaha Markhaatiga
  • Barnaamijka Weecinta Dadka Da’da Yar
  • Barnaamijka Weecinta Dadka Waaweyn
  • Hawl-galka Maxkamad Dhallin
  • Maxkamad-saarid Dambi
  • Soo-sheegista Dambi
  • Markhaati-furidda
  • Su aalaha Inta Badan
  • Ku Saabsan Jeelka
  • La Xidhiidh Jeelka Stearns County
  • Su aalaha Inta Badan la Iska Weydiiyo Jeelka
  • Aafooyinka Dabiiciga ah
 
Home  »  Soomali  »  Su aalaha Inta Badan la Iska Weydiiyo JeelkaEmailPrint page

Su’aalaha Inta Badan la Iska Weydiiyo ee ku Saabsan Jeelka

Goorma ayaan booqan karaa?
Waa maxay habka booqashadu?
Teleefon ma ku wici karaa maxbuus?
Waa maxay xeerarka waraaqaha la isu diro?
Ma waxa aad la mid tihiin sida xabsiga?
Waxay heli kariin maxaabiistu? Maxaan keeni karaa?
Hababka U-sii-dayn Shaqo/Huber
Lambarada Teleefonka ee Degmooyinka Deriska ah
Sidee baan lacag u siin karaa maxbuus maxaase uu u isticmaali karaa?
Sidee baan ku iman karaa Jeelka Degmada Stearns?
Ma heli karaa in sawirka faraha la iga qaado?
Ma heli karaa cadeyn baabuur wadis (MVR)?
Ma sameyn karaa tabaruc?


Goorma ayaan booqan karaa?

Booqashada waxa la sameeyaa Salaasada, Khamiista, Sabtida iyo Axadda laga bilaabo 12:30 duhurnimo ilaa 2:30 galabnimo iyo markale laga bilaabo 6:00 galabnimo ilaa 9:00 fiidnimo . Booqashooyin xirfadlaha (qareen/looyar, wadaad, iwm.) waxa la qaban karaa saacad kasta oo caqli-gal ah. Waa in xirfadleydu (wadaadadu) marka hore la kulmaan shaqaalaha Barnaamijka ka hor booqashadooda. Waxa aad kala xidhiidhi kartaa 320.259.3759. Maxaabiistu lagu xukumay wax ka yar saddex maalmood ma laha xuquuqda booqashada. Maxaabiista ku jira barnaamij waa loo yeedhi doonaa si ay ugu tagaan qofka soo booqday laakiin looma oggalaan doono inay ku noqdaan barnaamijka.

Booqdeyaasha waxa loo xadeeyay hal booqasho oo ah 20 daqiiqadood maalintii . Waxa booqashoyinka lagu soo koobi karaa 15 daqiiqadood maalmaha booqashada ee sixmada badan. Waxa qolka booqashada halkii mar loo oggalaan doonaa kaliya tirada dadka uu qolku caqli-gal ahaan qaadi karo. Maxbuusku waxa uu diidi karaa inuu arko booqde, ha ahaado xirfadle ama mid arrimo bulsho. Maxaabiista waxa loo xadeeyay hal booqasho halkii maalin booqasho.

Waa maxay habka booqashadu?

Waa in booqde kasta oo da’diisu ka yar tahay 15 uu weheliyo waalid ama mas’uul. Booqde kasta oo da’diisu ka yar tahay 18, oo aanuu wehelin waalid, waa inuu oggalaansho qoran oo sheegaya inuu booqan karo maxbuuska ka haystaa waalidkiisa ama mas’uulkiisa. Waa in waalidku ama mas’uulku uu yimaado jeelka si uu u saxeexo warqadda oggalaanshaha wakhtiga booqashada ugu horeysa.

Jeelka Degmada Stearns ma isticmaalo liisas booqashooyin. Hase yeeshee, waxa la rabaa aqoonsi (ID) booqde, waxana la jecel yahay mid ama in ka badan oo ka tirsan aqoonsiyadan soo socda: 

  • Liisan darawal oo aan dhicin 
  • Kaadhka aqoonsiga gobolka 
  • Aqoonsi kale oo rasmi ah oo leh sawir, sharaxaadda qofka iyo saxeex

Lama oggala in wax lagu cuno ama wax lagu cabo qolalka booqashada. Aramaajoojin ama kabadho leh quful ayaa la heli karaa si loogu kaydsado alaabta aan loo oggalayn in lala galo qolalka booqashada (sida boorsooyinka, koodhadhka, teleefoonada gacanta, iwm.) Marka laga reebo alaabta sharciga ah, xirfadlaha ama maxbuuska midna looma oggala inuu alaab gudbiyo. Dhamaan alaabta sharciga ah ee la gudbinayo waxa fiirin doona Sarkaal Ciidan Asluub.

Maxbuuska oo jabiya xeerarka iyo qodobada booqashada waxa ka iman kara xuquuqda booqashada oo luma. Booqdaha oo jabiya xeerarka iyo qodobada booqashada waxa ka iman kara in booqdaha laga saaro goobta oo loo diido xuquuqda booqashooyin dambe.

Teleefon ma ku wici karaa maxbuus?

Teleefono ayaa la dhigay dhamaan unugyada hoyga ah waana la isticmaali karaa wakhti kasta oo aan maxaabiistu ku jirin xaalad qol ku-jiris (lockdown). Maxaabiistu waxay sameyn karaan wicitaano ah nooca uu la-wacuhu bixinayo kharashka (collect) ama waxay kaadh wicitaan oo xabsigu leeyahay ka iibsan karaan dukaanka. Wixii ah wicitaan ee ay ku wacayaan qareenkooda ama looyarka waa bilaash. Waa in maxaabiistu ka warqabaan in dhamaan wicitaanada aan ku socon qareenka ama looyarka la duubi doono iyo in wicitaanada ah nooca la-wacuhu bixinayo ay ka qaalisan yihiin wicitaanada tooska ah. Si maxaabiistu u helaan fursado wicitaan oo loo siman yahay, waxa dhamaan wicitaanada teleefonka lagu xadeeyay 15 daqiiqadood halkii wicitaan. Khasaaraha ay maxaabiistu gaadhsiiyaan teleefonada waxa ka iman kara xuquuqda teleefonka oo luma, talaabo ah edbin iyo/ama dacwad dambi. Wicitaanada ah kaadh daymeed (credit card), 3-jiho (3-way) iyo wicista bilaashka ah (toll-free) lagama sameyn karo teleefonada ku yaala unugga hoyga ah.

Teleefonada dibadda ka imanaya looma sii gudbin karo unugga hoyga ah isla markaana kaliya wicitaanada ah arrin degdeg ah oo la hubiyay ama ka imana la-taliye sharci ayaa loo gudbin doonaa maxaabiista.

Waa maxay xeerarka waraaqaha la isu diro?

Maxaabiistu waxay maalin kasta diri karaan oo heli karaan tiro ah waraaqo oo aan xad lahayn lana faaf-reebin marka laga reebo marka uu jiro war lagu kalsoon yahay oo sheegaya jiritaanka wax halis ku ah nidaamka iyo amaanka ama in loo isticmaalayo sii-wadista fal sharci-daro ah. Waxa waraaqo iyo galal leh tigidhada boosta laga iibsan karaa qaybta alaabta maxaabiista. Marka ay codsadaan, waxay maxaabiista saboolka ahi heli karaan saddex ah kaadhadhka boosta oo diristoodu bilaash tahay halkii todobaad.

Dhamaan waraaqaha ka imanaya dibadda waxay soo mari doonaan Adeegga Boosta ee Maraykanka waxana loo qaybin doonaa unugga hoyga gudaha 12 saacadood ka dib helitaanka. Waraaqaha loo soo diray maxbuus meel kale loo wareejiyay ama la sii daayay waxa loo celin doonaa soo-diraha.

Dhamaan waraaqaha dibadda ka imanaya waa in lagu soo hagaajiyo goobtan soo socota:

Magaca Maxbuuska
P.O. Box 217
St. Cloud, MN 56302

Ma waxa aad la mid tihiin xabsiga (the prison)?

Maya. Goobta Asluubta ee Minnesota (Minnesota Correctional Facility) ee St. Cloud waa goob gobol, xidhiidhna lama laha Jeelka Degmada Stearns (Stearns County Jail).

Minnesota Correctional Facility, St. Cloud
2305 Minnesota Boulevard SE Box B
St. Cloud, MN 56302
320.240.3000
www.corr.state.mn.us/facilities/stcloud.htm

Maxay maxaabiistu heli karaan? Maxaan keeni karaa?

Xaaladaha intooda badan, waxa kaliya ee maxaabiista loo oggol yahay waa lacag. Wixii ah lacag ee loo keeno maxbuus waa inay tahay kaash; lama oggala jeeg gaar ah iyo mid mushahar. Lacagta boosta loogu soo diro waa inay tahay ‘money order’ ama jeeg ah ‘cashiers check’ qofka qaadanayaa yahay maxbuuska.

Hababka U-sii-dayn Shaqo/Huber

Maxaabiista ah U-sii-dayn Shaqo/Huber waxa la siin doonaa war dheeraad ah wakhtiga qoritaanka. Haddii lagugu xukumay in aad wakhti ku jirtid Jeelka Degmada Stearns adiga oo galaya barnaamijka U-sii-dayn Shaqo/Huber, fadlan si toos ah isu keen ka dib maxkamadda si laguugu habeeyo waraaqaha lagama-maarmaanka ah. Haddii aad taa ka baaqatay, wakhtiga ugu dhakhsaha badan ee suurogalka ah Kalkaaliyaha Isu-duwaha Barnaamijka kala xidhiidh (320) 259-3778.

Lambarada Teleefonada ee Degmooyinka Deriska ah:

Benton County Jail                 (320) 968-8260

Sherburne County Jail             (763) 241-4515

Kandiyohi County Jail            (320) 214-6700 ext. 6700

Meeker County Jail                 (320) 693-5415

Morrison County Jail              (320) 632-2673

Sidee baan lacag u siin karaa maxbuus maxaase uu u isticmaali karaa?

Ugu horeyn, waxa la iska qaada $10 oo ah qoris. Ka dib, waxay maxaabiistu lacagta u isticmaali karaan alaabooyin kala duwan sida dukaanka, kaadhadhka teleefonka, iyo alaabta nadaafadda. Lacagta la siinayo maxaabiista waxa laga dhigi karaa afar hab:

  • Boosta ku soo dir jeeg ah ‘cashier’s check’ ama ‘money order’ iyada oo qaatuhu yahay maxbuuska 
  • Shub lacag inta aad gashid internetka ka dibna isticmaalaya kaadh dayn (credit card) inmatecanteen.com
  • Kaash dhig goobta ku taala dabaqa labaad ee Law Enforcement Center 
  • Keen ‘money order’ ama ‘cashier’s check’ dabaqa labaad ee Law Enforcement Center

Sidee baan ku iman karaa Jeelka Degmada Stearns?

Marka aad ka imanaysid I-94 (bari ama galbeed):

Ka bax Highway 15 una soco waqooyi xagga St. Cloud. Marka aad joogtid Highway 23/Division Street, midig gal. Soco qiyaastii ilaa saddex mayl ilaa badhtamaha magaalada. U leexo bidix marka aad joogtid 8th Avenue (joogsiga ishaarada/nalka). Guriga Maxkamadda (oo leh dul wareegsan oo dahabi ah) waxa uu qiyaastii kaa horeeyaa saddex sekadood. Xarunta Law Enforcement Center waxay ka dambeysa aqalka maxkamadda.

Marka aad ka imanaysid Highway 10 (waqooyi ama koonfur):

Qaado Highway 23 exit una soco galbeed ilaa badhtamaha magaalada (qiyaastii laba mayl). Qaado midig marka aad joogtid 8th Avenue (joogsiga ishaarada/nalka). Guriga Maxkamadda (oo leh dul wareegsan oo dahabi ah) waxa uu qiyaastii kaa horeeyaa saddex sekadood. Xarunta Law Enforcement Center waxay ka dambeysa aqalka maxkamadda.

Ma heli karaa in sawirka faraha la iga qaado?

Waxa aanu adeegyo ah sawirka faraha ku bixinaa dabaqa labaad ee Law Enforcement Center. Waxa taa la sameyn karaa saacadaha shaqada (8 subaxnimo ilaa 4:30 galabnimo) Isniin ilaa Jimce. Kharashku waa $5 oo kaash ah (lama oggala jeeg, kaadh dayn, iwm.) una hubso in aad soo qaadid wixii ah kaadh faro oo gaar ah oo lagu siiyay.

Ma heli karaa cadeyn wadis baabuur (MVR)?

Waxa aanu bixinaa cadeyn wadis baabur (kaliya Minnesota) oo kharashkeedu yahay $5 oo kaash ah (lama oggala jeeg, kaadh dayn, iwm.) oo laga bixiyo dabaqa labaad ee Law Enforcement Center. Waxa taa la sameyn karaa saacadaha shaqada (8 subaxnimo ilaa 4:30 galabnimo) Isniin ilaa Jimce. La soco in aanu baadhi karno kaliya diiwaankaaga wadis baabuur.

Ma sameyn karaa tabaruc?

Haddii aad xiiso u qabtid fursadaha tabarucidda, Isu-duwahayaga barnaamijyada kala xidhiidh 320.259.3759.

Jeel (Jail)
  •  
  •  
  •  
  •  
  •  
  •  
  •  
  •  
  •  
  •  
  •  
  •  
  •  
  •  
  • Home | 
  • Contact Us | 
  • Community | 
  • En Español | 
  • Soomali | 
  • Sitemap

  • Online Services | 
  • Government | 
  • Property & Roads | 
  • Law & Public Safety | 
  • Adults & Families | 
  • Recreation | 
  • Environment

  • Web Policies | 
  • Salary Compliance | 
  • Mission Statement

Copyright 2012 Stearns County